Battery-ga waxaad kireysan kartaa muddo 3 saac. Haddii aadan soo celin mudadaas, waxaa lagu dalaci doonaa lacag dheeraad ah.
Waa inaad si fiican u daryeeshaa battery-ga. Haddii uu dhaawac gaaro ama uu lumo, waxaad masuul ka tahay qiimaha buuxa ee battery-ga ($20).
Battery-ga waa inaad soo celisaa goobta aad ka qaadatay ama goob kale oo PowerGo ah. Haddii aadan soo celin 24 saac gudahood, numberkaaga waa la xiri doonaa oo waxaad bixin doontaa qiimaha buuxa.
Lacagta waxaa laga jari doonaa numberka aad gelisay. Hubi in lacag ku filan ay ku jirto account-kaaga ka hor intaadan bixin. Lacagta la bixiyay dib looma celiyo.
Battery-ga waxa loo isticmaalaa telefoonka kaliya. Ha u isticmaalin qalab kale sida laptop-yo ama qalab awood weyn u baahan. Ha ku dhejin biyo ama meel kulul.
Haddii aad ku guuldareysato inaad soo celiso battery-ga, numberkaaga waxaa lagu dari doonaa liiska xidhan. Kadib ma awoodi doontid inaad isticmaasho adeegga ilaa aad bixiso lacagta.